UNODC Eastern Africa News and Stories

You are here: Home / News

Empowering Women in the Somaliland Coast Guard

Hargeisa, Somaliland March 2023 – Since her childhood, Capt. Zuhuur dreamed of being a law enforcement officer. She joined the Somaliland Coast Guard (SLCG) in 2016 as a liaison officer between the Ministry of Interior and SLCG. She progressed to the role of gender focal point for the department and became the head of training at SLCG. In her words, “My goal is to serve my country and people."

As the head of training, she is responsible for organizing workshops to enhance officers’ capacity to prevent and respond to maritime crimes.  In October 2021, she was trained by UNODC and the Danish National Police on information management and sharing in a multi-agency context. For maritime law enforcement agencies, gathering, analysing, and exchanging information is crucial for combating crimes at sea. With her four colleagues, Capt. Zuhuur shared the knowledge and skills gained from UNODC’s course by delivering a follow-up introductory training to 15 officers. In the future, the SLCG plans to expand the training delivery to officers stationed in more locations, including Berbera, Zaila and Maid.

Capt. Zuhuur is a pioneering manager in law enforcement agencies, recalling that “Previously, society didn’t see the capacity of women to conduct law enforcement-related tasks.” As the empowerment of women progressed in SLCG, so too did the number of female officers. Capt. Zuhuur now works alongside four other high-ranking female officers and promotes gender mainstreaming in maritime security by encouraging more women to join SLCG. “I usually tell women that a gap needs to be filled  so that women can fit in to assist their male colleagues. This is a job that women can do too.”

With the Gulf of Aden, a strategic channel for global maritime shipping, UNODC partners closely with SLCG to support the professional development of officers, including female officers. In line with Sustainable Development Goal 5 and UN Security Council Resolution 1325, UNODC prioritizes gender mainstreaming in maritime law enforcement to empower women to serve as changemakers in maritime governance and security. Now and in the future, UNODC will continue its advocacy and support to advance opportunities for women in maritime law enforcement.

For more information, please contact:

Mr. David O’Connell (david.oconnell@un.org)

Global Maritime Crime Programme

United Nations Office on Drugs and Crime

 

Awood-siinta Haweenka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaalilaan

Hargeysa Soomaalilaan, Maarso 2023- Ilaa yaraanteedii, Capt. Zuhuur waxay ku hammiyi jirtay inay noqoto sarkaal sharci fulinta ah. Waxa ay ku biirtay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland 2016-kii, iyada oo ahayd sarkaal isku xidha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha (CIX). Waxay halkaa uga gudubtay bar-xudunta jinsiga ee waaxda waxayna noqotay madaxa tababarka ee CIX. "Ujeedkaygu waa inaan u adeego dalkayga iyo dadkayga." Ayaa ka mid ah hadalkeeda.

Madaxa tababarka ahaan, waxay mas'uul ka tahay abaabulka aqoon-is-weydaarsiyo si kor loogu qaado awoodda saraakiisha si ay uga hortagaan ugana fal-celiyaan dembiyada badda. Bishii Oktoobar 2021, waxaa tababaray UNODC iyo Booliiska Qaranka Danishka oo ku saabsanaa wadaaga iyo maareynta macluumaadka ee hay’adaha kala duwan. Hay'adaha fulinta sharciga badaha, ururinta, falanqaynta, iyo xog-isweydaarsiga ayaa muhiim u ah la dagaallanka dambiyada badda. Capt. Zuhuur iyo afar asxaabteeda ahiba waxay la aqoontii iyo xirfadihii ay ka heleen hay’ada UNODC la wadaageen 15 sarkaal oo CIX ah iyaga oo siisay tabobar hordhac. CIX waxa uu mustaqbalka qorshaynayaa in uu balaadhiyo bixinta tababbarka saraakiisha ku sugan meelo badan oo ay ka mid yihiin Berbera, Zaila iyo Maydh.

Capt. Zuhuur waa hormuudka ka tirsan hay'adaha fulinta sharciga, iyada oo dib u xasuusanaysa waxa tidhi "Waagii hore, bulshadu ma arkin jirin awoodda haweenka si ay u qabtaan hawlo la xidhiidha sharci fulinta." Sida awoodsiinta haweenka CIX kor ugu socdo, ayaa tirada haweenka saraakiishuna kor ugu socotaa. Capt. Zuhuur hadda waxay la shaqeysaa afar sarkaal oo kale oo dumar ah oo darajo sare leh waxayna kor u qaadaa siyaasada jinsiga ee amniga badda iyadoo ku dhiirigelinaysa haween badan inay ku biiraan CIX. "Waxaan inta badan u sheegaa haweenka in loo baahan yahay in la awdo daloolka si haweenku ay ugu habboonaato inay caawiyaan ragga ay wada shaqeeyaan. Tani waa shaqo ay sidoo kale haweenku qaban karaan."

Gacanka Cadmeed oo ah marin mihiim u ah maraakiibta caalamiga ah, UNODC waxay iskaashi dhow la leedahay CIX si ay u taageerto horumarinta xirfadeed ee saraakiisha, oo ay ku jiraan saraakiisha haweenka ah. Iyada oo la raacayo Hadafka Horumarka Waara ee 5 iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 1325, UNODC waxay mudnaan siinaysaa siyaasada jinsiga ee sharci-fulinta badda si ay awood ugu siiso haweenka si ay unoqdaan isbeddel-sameeyayaal xaga amniga iyo maamulka badda. Mustaqbalka iyo hadaba, UNODC waxay sii wadi doontaa u doodista iyo taageerada ay ku horumarinayso fursadaha haweenka ee sharci-fulinta badda.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xidhiidh:                                                                                  

Mr. David O'Connell (david.oconnell@un.org)                                                        

Barnaamijka Dambiyada Badaha Caalamiga ah                                                                              

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada