UNODC Eastern Africa News and Stories

You are here: Home / News

UNODC qualifies officers as instructors

Mogadishu, Somalia 8 June 2023 – The United Nations Office on Drugs and Crime Global Maritime Crime Programme (UNODC GMCP)  has been at the forefront of efforts to combat maritime crimes in Somalia through the capacity-building training provided has been able to strengthen its law enforcement agencies and develop effective strategies to prevent and respond to maritime crimes. 

“I am very proud that I am now a qualified instructor that will contribute to improving the police force training plan. I learned new techniques and strategies to be more effective in my job. This will undoubtedly lead to better training for our entire force”, said 2nd Lieutenant Mohamed Madey. He brings a wealth of knowledge and expertise to his role, having worked in various capacities within the Mogadishu Maritime Police Unit (MMPU) for the last eight years.  Madey recently completed the ‘Train the Trainer' (TOT) course alongside 2nd Lieutenant Yakub.

The course was taught in two phases. The first consisted of learning how to structure lessons, qualities of a good instructor, how to effectively engage students, practical and theoretical lesson structures, instructional aids, and student management. The second phase had participants teaching alongside the MLE mentor for the Coxswain course for five officers, who all successfully passed. 2nd Lieutenant Anod (operations manager), who participated in the Coxswain course, said, “We now have two qualified officers to conduct training for us; the impact will be immense. With their expertise, we can look forward to more effective and engaging training sessions.” This marked a milestone in capacity building and is the first time UNODC GMCP has conducted a TOT in country for the MMPU. This is a positive step towards enhancing the skills and knowledge of personnel.

Having completed the course, the officers are now instructors who can work alongside UNODC mentors and contribute to capacity building efforts locally, regionally, and internationally. The ability of instructors to present training in their units will allow for capacity building and self-sustainability. 2nd Lieutenant Madey said, “We are grateful for the opportunity to develop our teaching abilities and contribute to the growth of the Coast Guard. As instructors, we will share our knowledge and help our fellow officers achieve their goals. This fulfilling experience will benefit those we train and help us keep Somalia safe from those wanting to commit maritime crimes. We look forward to applying what we have learned and positively impacting those around us."

UNODC is committed to supporting the MMPU and ensuring officers have access to the necessary resources and support to complete the course successfully. This includes providing ongoing mentorship, access to training materials, and other opportunities. Colonel Bashir Kassim, commander of the MMPU stated, “This is aligning with our strategic objectives to depend on our officers to deliver all the training activities locally for the future”. By empowering officers at the local level, UNODC hopes to create a sustainable and effective approach to combating maritime crimes and have officers conduct their own training to build lasting capacity within their unit.Col. Bashir said, “We appreciate and emphasize the continuation of the ToT training from various areas.” UNODC GMCP is working towards a safer and more secure world for all through continued collaboration in capacity building efforts.

With the support of the U.S. State Department Bureau for International Narcotics and Law Enforcement Affairs (U.S. INL) through the Maritime Law Enforcement (MLE) Programme in Disruption of Arms Smuggling and Associated Maritime Crime in the Horn of Africa and Gulf of Aden, UNODC GMCP has been implementing effective and lasting measures to combat drug and arms trafficking and organized crime in Somalia.

For more information, please contact:

Mr. David O’Connell (David.OConnell@un.org)

Western Indian Ocean Programme Coordinator

Global Maritime Crime Programme

United Nations Office on Drugs and Crime

Click here to visit the UNODC Global Maritime Crime Programme website.

 

UNODC waxay shahaado siisaa saraakiisha tababar-bixiyaasha 

Muqdisho, Soomaaliya 8da Juun 2023 – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada ee barnaamijka dambiyada caalamiga ah ee badaha (UNODC GMCP) ayaa safka hore kaga jira dadaalada lagula dagaalamayo dambiyada badda Soomaaliya iyada oo loo marayo tababarka kor u qaadista tayada ee aan bixino. Dadaalkayagu waxa uu awooday in aan xoojino hay’adaha fulinta sharciga Somaliya iyo in aanu samayno istraatijiyado wax ku ool ah oo lagaga hortagayo loogana jawaabayo dembiyada badda.

.“Aad baan ugu hanweynahay in aan hadda ahay bare aqoon leh oo wax ka tari doona horumarinta qorshaha tababarka ciidanka booliska. Waxaan bartay farsamooyin iyo xeelado cusub si aan waxtarka ugu yeesho shaqadayda. Tani waxay shaki la'aan u horseedi doontaa tababar wanaagsan oo loo sameeyo ciidankeena oo dhan,” ayuu yiri G/sare Maxamed Madey. Waxa uu doorkiisa ku soo kordhinayaa aqoon iyo khibrad badan, isagoo sideedii sano ee u dambeeyay ka soo shaqeeyay shaqooyin kala duwan oo ka tirsan ciidanka badda ee Muqdisho (MMPU). Madey ayaa dhawaan dhameeyay koorsada ‘Train the Trainer’ (TOT) Isaga iyo  2 xidigle Yacquub isku waqti ayee dhameeyeen..

Koorasku waxa uu ahaa laba weji. Midka koowaad wuxuu ka koobnaa barashada habka loo habeeyo casharrada, tayada macalinka wanaagsan, sida wax ku oolka leh ee ardayda looga qaybgeliyo, qaab dhismeedka casharrada la taaban karo iyo aragtida, agabka waxbarashada, iyo maamulka ardayda. Wajigii labaad waxa lahaa ka qaybgalayaasha oo ay barbar socdaan lataliyaha MLE ee koorsada Coxswain ee shan sarkaal, kuwaas oo dhamaantood si guul leh u gudbay. 2 xidigle Caanood (maamulaha hawlgelinta), oo ka qaybqaatay koorsada Coxswain, ayaa yiri, “Hadda waxaan haysanaa laba sarkaal oo aqoon leh oo noo qaban doona tababar; saamey weyn ayeena ku yeelan doonta tababarka ciidanka. Markaan u tixgelino waayo-aragnimadooda, waxaan sugi karnaa tababaro waxtar leh oo soo jiidasho leh.” Tani waxay calaamad u ahayd horumar laga gaaray kobcinta awooda waana markii ugu horeysay ee UNODC GMCP ay dalka gudihiisa ugu qabato MMPU. Tani waa tallaabo wanaagsan oo kor loogu qaadayo xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha.

Markii ay dhammeeyeen koorsada, saraakiishu hadda waa macalimiin ka barbar shaqeyn kara macallimiinta UNODC oo gacan ka geysan kara dadaallada kor loogu qaadayo tayada iyo amniga geeskan bariga africa, heer gobol iyo heer caalami. Kartida macalimiintu inay ku soo bandhigaan tababarka kooxyadooda waxay u ogolaan doontaa dhisidda kartida iyo isku filnaansho. 2 xidigle Madey ayaa yiri, “Waan ka mahadcelineynaa fursadda aan ku horumarinayno awoodda macalinimadeena oo aan gacan ka geysanno kobaca ciidamada Ilaalada Xeebaha. Macalimiin ahaan, waxaan wadaagi doonaa aqoontayada waxaanan caawin doonaa saraakiisha saaxiibadeena ah inay gaaraan hadafkooda. Khibradan buuxda waxay ka faa'iidaysan doontaa kuwa aan tababarno waxayna naga caawin doontaa inaan Soomaaliya ka ilaalinno kuwa doonaya inay galaan dambiyada badda Waxaan rajaynaynaa in wixii aan baranay aan uga faa’iidaysano dadkeena”.

UNODC waxaa ka go'an in ay taageerto MMPU iyo in ay hubiso in saraakiishu ay helaan agabka lagama maarmaanka ah iyo taageerada si ay u dhamaystiraan koorsada oona ku guulaystaan. Tan waxaa ku jira siinta latalin iyo macalimiin joogto ah, helitaanka agabka tababarka, iyo fursadaha kale. Korneyl Bashiir Qaasim, taliyaha MMPU ayaa yiri, "Tani waxay la jaan qaadaysaa hadafyadayada istaraatiijiyadeed ee ah in aan ku tiirsannahay saraakiisheenna si ay u fuliyaan dhammaan hawlaha tababarka gudaha mustaqbalka insha Allah". Iyadoo la xoojinayo saraakiisha heer deegaan, UNODC waxay rajaynaysaa inay abuurto habab joogta ah oo wax ku ool ah oo lagula dagaallamo dambiyada badda iyo in saraakiisha ay qabtaan tababaro iyaga u gaar ah si ay u dhisaan awood joogta ah gudaha kooxadooda. Col. Bashiir ayaa yiri, "Waan ka mahadcelineynaa oo aan carrabka ku adkeyneynaa sii socoshada iyo sii balaarinta tababbarka ToT." UNODC GMCP waxay ka shaqaynaysaa sidii loo heli lahaa adduun badbaado badan oo ammaan ah dhammaanteed iyada oo loo marayo wada-shaqeyn joogto ah oo ku aaddan dadaallada kobcinta awoodda.

Iyadoo taageero laga helayo Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Arrimaha Maandooriyaha Caalamiga ah iyo Arrimaha Dhaqangelinta Sharciga (U.S. INL) iyada oo loo marayo Barnaamijka Dhaqangelinta Sharciga Badaha (MLE) ee carqaladaynta ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah iyo dembiyada badda ee la xidhiidha Geeska Afrika iyo Gulfka Aden, UNODC GMCP waxa ay Soomaaliya ka fulinaysay tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaalamayo ka ganacsiga daroogada iyo hubka iyo dembiyada abaabulan ee Soomaaliya.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Mr. David O’Connell (David.OConnell@un.org)

Agaasimaha Barnaamijka Badweynta Hindiya

Barnaamijka Dambiyada Badaha Caalamiga ah

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada

Riix halkan si aad u booqato websaydka barnaamijka dambiyada badaha caalamiga ah ee UNODC.